Af-soomaali – Somali

DSHS ayaa adeegyada ku bixineysa luuqadda aad doorbideyso. Si aad u oggaato wax badan oo ku saabsan noocyada adeegyada aan bixinno, fadlan wac 800-737-0617 inta u dhaxeysa 8 subaxnimo (a.m.) iyo 5 fiidnimo (p.m.) Isniin ilaa Jimco.

Haddii aad gaarto cod duubista, fadlan ku dhaaf farriin aad ku soo gudbinyesid lambarkaaga teleefoonka iyo luuqadda aad ku hadasho ka-dibna waxaan telefoonka kugu soo celin doonnaa iyadoo tarjumaan uu khadka inoogu jiro. Shakhsiyaadka iyo macaamiisha dhagaha la', maqalka ku adag, dhagaha iyo indhaha la' iyo kuwa aan hadli karin, fadlan nagala soo xiriir 360-111-2222 adiga oo adeegsaneya bixiyaha adeegga war-lallinta ee aad doorbideyso.

Waa maxay noocyada adeegyada ay DSHS bixiso?

  • Dheefo ka kooban cunto, kaash, guri iyo caafimaad: 877-501-2233
  • Taakuleynta carruurta: 800-442-5437
  • Daryeelka dadka waaweyn: 877-734-6277
  • Ilaalinta dadka waaweyn: 866-363-4276
  • Taakuleynta naafada: 800-248-0949
  • Tababar mihnadeed: 800-637-5627

Si aan u xaqiijinno in aad hesho adeegyada aad u baahan tahay, waxaannu diyaarin doonnaa tarjumaanno nagu caawinaya in aan kula hadalno, kuu tarjunno dokumentiyada, ku siinno dokumentiyada oo ku daabacan far waaweyn ama farta indhoolaha ee Braille, ku siino nuqulka maqalka ah ee agabka qoraalka ah, iyo intaasi in ka badan.

 

Madaxa VI ee Xeerka Xuquuqda Madaniga ah ayaa ka mamnuucaya DSHS in ay dadka ku takoorto midabkooda, isirkooda iyo asal ahaan meesha ay ka soo jeedaan. Haddii aad codsatey oo aadan adeegyada ku helin luuqadda aad doorbideyso, ama aad dareento DSHS in ay ku takoortey, fadlan ka wac Adeegyada Cod-bixiyaha 800-737-0617 ama iimayl ugu soo dir cabashadaada iraucomplaints@dshs.wa.gov.

Waxaad kaloo cabashada takoorka u soo gudbin karta xafiisyadan:

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Washington (800-551-4636)

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Gobolka Washington (800-233-3247)

Waaxda Mareykanka ee Adeegyada Aadanaha iyo Caafimaadka (800-368-1019).